Dagaallo Culus oo dib uga qarxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamreeb.

Friday February 28, 2020 - 13:30:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo dib uga qarxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamreeb.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii hore ka bilaawday degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo dhaca wadada laamiga ah ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii hore ka bilaawday degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo dhaca wadada laamiga ah ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Suufida iyo ciidamada dowladda Farmaajo ay ku loollamayaan gacan ku heynta Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Dagaal xalay si goos goos ah uga bilaawday xarunta gobolka Galguduud ayaa maanta duhurkii sii xoogeystay, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka suufida ay si adag udifaacdeen xarunta Inji iyo waddooyinka hormara.

Majirto cid ku guuleysatay dagaalka Dhuusamareeb balse saacado kadib ayuu dagaal hor leh ka qarxay Guriceel, ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Kooxda isku magacaawday Ahlusuna ay mar qabsadeen saldhigga booliska degmada balse dib ayaa looga qabsaday.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items