Dhageyso:Korneel Katirsanaa Dowladdii Siyaad Barre oo Talooyin Dhaxalgal Ah Ujeediyay Xukuumadda Kenya.

Tuesday June 17, 2014 - 11:11:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Korneel Katirsanaa Dowladdii Siyaad Barre oo Talooyin Dhaxalgal Ah Ujeediyay Xukuumadda Kenya.

    Aqoonyahanno iyo saraakiil horay uga tirsanaa ciidankii xoogga dalka ee dowladdii Siyaad Barre ayaa falanqeyn iyo isdul taag ku sameeyay xaaladda ammaanka ee wadanka Kenya iyo duullaanka soomaaliya lagusoo qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahanno iyo saraakiil horay uga tirsanaa ciidankii xoogga dalka ee dowladdii Siyaad Barre ayaa falanqeyn iyo isdul taag ku sameeyay xaaladda ammaanka ee wadanka Kenya iyo duullaanka soomaaliya lagusoo qaaday.

Col.Max'med Cali Cismaan oo lasoo shaqeeyay dowladdii Meleteriga soomaaliya ayaa sheegay in Kenya aysan ka bixi doonin mashaakilaadka dhanka ammaanka illaa ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu talooyin muhiim ah ujeediyay madaxda Kenya ee shacabkooda khiyaameeyay isagoona ugu baaqay in ay faragelinta tooska ah soomaaliya ka joogaan.

"Kenya ma awooddo in dagaal aan dhamaad laheyn kusii jirto Nimanka shabaabka ah ee gudaha Kenya weerarada ka fuliya gar bay u leeyihiin in ay isdifaacaan sababtoo ah dalkoodi ayaa lagusoo duulay”ayuu yiri Col.Max’med Cismaan.


Hoggaamiyaal sarsare oo xarakada Al Shabaab katirsan ayaa horay ujeediyay baaqyo ku socda madaxda Kenya oo ah in ay ciidankooda Soomaaliya kala baxaan haddii aysan sidaasi yeelinna ammaankoodu ku xiranyahay ammaanka soomaaliya.

Related Items