Kadib dilkii 32 Askari Turki ah NATO iyo Mareykanka oo taageeray Erdogaan.

Saturday February 29, 2020 - 12:17:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kadib dilkii 32 Askari Turki ah NATO iyo Mareykanka oo taageeray Erdogaan.

    War rasmi ah kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in taageero buuxa ay Turkiga kasiinayso sidii uu uga aargoosan lahaa nidaamka Bishaar Al Asad oo shalay duqeyn uga dilay 32 askari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in taageero buuxa ay Turkiga kasiinayso sidii uu uga aargoosan lahaa nidaamka Bishaar Al Asad oo shalay duqeyn uga dilay 32 askari.


Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay si udhow ula socoto dhacdooyinka waqooyiga gobolka Idlib ayna taageero dhan walba ah siin doonto Turkiga oo xaliif dhow la ah reergalbeedka.

Dhinaca kale Ururka NATO ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay Turkiga ka taageeri doonaan dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ayna difaaci doonaan ciidamada Turkiga oo qeyb ka ah Ururka NATO.

Caddeymahan ka yimid dowladaha reergalbeedka ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii ciidamada Bishaar Al Asad iyo xulufadiisa ay duqeyn ku dileen 32 askar Turki ah xilli ay ku sugnaayeen saldhig kuyaal gobolka Idlib.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items