Diyaaradaha Kenya oo duqeymo khasaara dhaliyay ka geystay duleedka Ceelwaaq.

Sunday March 01, 2020 - 11:11:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Kenya oo duqeymo khasaara dhaliyay ka geystay duleedka Ceelwaaq.

    Ciidamada dowladda Kenya ayaa markale duqeymo laayaan ah ka geystay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Kenya ayaa markale duqeymo laayaan ah ka geystay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay dhowr jeer duqeeyeen deegaan hoos taga degmada waxaana duqeymahaas ka dhashay khasaara lixaad leh.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeymaha oo dhacay shalay gelinkii dambe iyo xalay lagu beegsaday xarun ay laheyd shirkadda Hormuud iyo dhismayaal kale oo dadka shacab ah ay deganaayeen.

Dad ku sugan degmada Ceelwaaq waxay sheegeen in ay maqlayeen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaallada ay diyaaradaha Kenya ku duqeynayeen deegaanka, kumanaan qof xoola dhaqato ah ayaa isgaarsiin la'aan ah.


illaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay duqeymihii xalay iyo shalay ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq, dowladda Kenya oo doonaysa in ay cuuryaamiso dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ayaa marwalba duqeysa xarumaha ganacsiga iyo dadka xoola dhaqatada ah

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items