Amiirka Taliban oo Muslimiinta Afghanistan ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dagaalka Mareykanka.

Sunday March 01, 2020 - 12:00:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirka Taliban oo Muslimiinta Afghanistan ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dagaalka Mareykanka.

    Hoggaanka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war rasmi ah kasoo saaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay lagaleen dowladda Mareykanka ee duullanka ku qaadday wadankaas waqti hadda laga joogo 19 sanadood ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa war rasmi ah kasoo saaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay lagaleen dowladda Mareykanka ee duullanka ku qaadday wadankaas waqti hadda laga joogo 19 sanadood ka hor.


Mowlawi Hibatullah Akhundzada oo ah Amiirka Imaarada Islaamiga ayaa bayaan uu soo saaray umadda islaamka gaar ahaan reer Afghanistan ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka Jihaadka ah.

Taliban waxay sheegtay in Mareykanka ay sanka dhulka ugu jiideen kuna qasbeen in uu saxiixo heshiis dhigaya in dhammaan ciidamadiisa uu kala baxo wadanka Afghanistan iyadoo wax tanaasul ah aysan sameyn mujaahidiinta.

Amiirul Mu'miniin Hibatullah Akhundzada ayaa muslimiinta ugu bishaareeyay in uu dib usoo laaban doono nidaamkii Islaamiga ahaa ee ku burburay duullaankii Mareykanka sanaddii 2001  "Shacabeena ladulmiyay rag iyo dumarba waxaan niyadda ugu dajinaynaa in ay heli doonaan xuquuqdooda iyagoo ku hoos noolaanaya nidaam islaami caadil ah" ayuu yiri amiirka Talibaan.



Imaarada islaamiga ah waxay sheegtay in wadahadalladii ay lagaleen Mareykanka ay ahaayeen kuwa waafaqsan dawaabidda Sharciga ah mana jirin wax tanaasul ah oo mujaahidiintu ka sameeyeen mabda'ooda islaamiga ah.

Amiirka Taliban ayaa bayaanka uu soo saaray ku bogaadiyay shacabka reer Afghanistan in ay dalkooda dib udhistaan ayna isku diyaariyay sidii shareecada islaamka laysugu maamuli lahaa.

Mareykanka oo 19 sano ka hor is kibrinayay ayaa ku qasbanaaday in uu wadahadal lagalo Talibaan oo ku jirto liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, sida ku qoran heshiiska ciidamada Mareykanka ayaa Afghanistan uga baxaya 9 bilood illaa 14 bilood waxaana joogsanaya duqeymihii Mareykanku ka geysanayay gobollada wadankaasi.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items