Itoobiya oo Mareykanka Ka dalbatay in la hakiyo Wada Hadalka Uu Wado Ee Wabiga Niil. (Warbixin)

Monday March 02, 2020 - 10:36:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo Mareykanka Ka dalbatay in la hakiyo Wada Hadalka Uu Wado Ee Wabiga Niil. (Warbixin)

    Itoobiya oo aanan marnaba dhismaha biyo xereenka Wabiga Niil u hakin wada hadaladii gacma daaliska ahaa ee hadba wadan lagu qabanayay una dhaxeeyay iyada iyo dowladaha Suudaan iyo Masar ayaa haatan dalbanaysa in la hakiyo shirar arrimahan ku saabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya oo aanan marnaba dhismaha biyo xereenka Wabiga Niil u hakin wada hadaladii gacma daaliska ahaa ee hadba wadan lagu qabanayay una dhaxeeyay iyada iyo dowladaha Suudaan iyo Masar ayaa haatan dalbanaysa in la hakiyo shirar arrimahan ku saabsan oo uu wado Mareykanka.


Xukuumadda Adisababa waxay Mareykanka weydiisatay  in uu hakiyo wada hadallo horay loo iclaamiyay oo la sheegay in ay maanta ka billaabanayaan magaalada Washington si loo falanqeeyo muranka ka dhex taagan sedaxda wadan.

Bizuneh Tolcha oo ah afhayeenka Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Ethiopia ayaa dhambaalkan jeediyay sida lagasoo xigtay warbaahinta dalkooda "Waxaan weydiisanay inaan u baahannahay waqti dheeri ah oo aan wada tashiyo ku sameyno” ayaa kamid ahaa hadalladiisii.


Waxaa la filayaa in wareegga u dambeeya ee wada hadallada Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay Washington ka dhacaan maalmaha ugu dambeeya todobaadkan ee Khamiista iyo Jimcaha.

Mareykanka iyo 'Israel' oo arrinta biyo xereenka la wada Itoobiya ayaa lagu eedeynayaa in ay hoosaasinayaan laba dal ee kale waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore ay wada hadallo ka dhaceen Mareykanka kuwaas oo aanay wax natiijo ahi kasoo bixin.

Itoobiya ayaa doonaysa in ay biyaha Wabiga Niil ka dhigato aalad ay ku gummeysato wadamada Muslimka ah ee Suudaan iyo Masar iyadoo mar biyaha ka xireysa marna kusii deeneysa oo ku qarqineysa, waana arrin ay qarniyo kusoo fakarayeen sida ku cad kitaabka Al-cilaaqaatussiyaasiyah… ( العلاقات السياسية بين مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة في العصور الوسطى) ee ka hadla halgankii uu Axmad Gurey la galay Xabashida.

Kitaabka ayaa waxa uu soo bandhigayaa macluumaad sheegaya in qarniyo ka hor ay Yahuudu Itoobiya kula talisay in ay biyaha wabiga ku furto dhulalkaas Muslimiinta si ay ugu baaba’aan si wixii ka badbaadana ay gaajo iyo faqri ugu noolaadaan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items