Melleteriga Turkiga oo Waqooyiga Suuriya uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Nidaamka Bishaar Al Asad.

Monday March 02, 2020 - 10:40:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Turkiga oo Waqooyiga Suuriya uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Nidaamka Bishaar Al Asad.

    Dagaalka ka holcaya wadanka Suuriya ayaa galay marxalad xasaasi ah kadib markii melleteriga Turkiga uu qaaday olole dagaal baaxad leh oo ka dhan ah ciidamada nidaamka bishaar al-asad iyo maleeshiyaadka shiicada bahwadaagta la ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka ka holcaya wadanka Suuriya ayaa galay marxalad xasaasi ah kadib markii melleteriga Turkiga uu qaaday olole dagaal baaxad leh oo ka dhan ah ciidamada nidaamka bishaar al-asad iyo maleeshiyaadka shiicada bahwadaagta la ah.



Wararka ka imaanaya waqooyiga suuriya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay iskasoo rideen dhinacyada dirirtu udhaxayso, wakaaladda wararka ufaafisa nidaamka Nuseyriga ah ayaa xaqiijisay in laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Sookhooy24 loogasoo riday gobolka Idlib.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa dhankeeda ku faantay in ay dhulka soo dhigtay 2 diyaaradood ayna dishay inkabadab 2200 Laba kun iyo laba boqol) askari oo katirsan nidaamka Bishaar Al asad islamarkaana ay burburisay sedax kamid ah andimada difaaca cirka.



Khaluus akaar oo ah wasiirka difaaca xukuumadda dabadhilifka Anqara ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ay si toos ah ugu biiriyeenn diyaaradaha Drone-ka turkiga iyo kuwa qumaatiga ukaca.

goor sii horraysay oo shalay ah ayuu Turkigu iclaamiyay in uu shaqada gabay garoonka melleteriga gobolka Xalab ee Alneyrab lagu magacaabo sababa laxiriira beegsiga turkiga, dowladda saliibiyadda ruushka oo garab iyo gaashaan u aheyd nidaamka al-asad xiriir wanaagsanna lalaheyd Turkiga ayaa isaga gaabsatay waxa socda.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay ayay xukuumadda Turkiga si rasmi ah u iclaamisay howlgalka ay ugu magac dartay Gaashaanka Guga waxayna doonaysaa in ay howlgalkan kooxaha mucaaradka ah ugu suurtageliso dib uqabsashaday degmooyin iyo deegaanno Idlib katirsan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items