Macallin Maxamuud oo Ku Gacan Seyray in Farmaajo iyo Kheyrre loogu geeyo Xamar Kana degay Gaalkacyo.

Monday March 02, 2020 - 11:54:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Maxamuud oo Ku Gacan Seyray in Farmaajo iyo Kheyrre loogu geeyo Xamar Kana degay Gaalkacyo.

    Wararka nagasoo gaaraya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in hoggaamiyihii ururka Suufiyada ee Guriceel & Dhuusomareeb Macallin Maxamuud Sh/Xassan uu ka xeeladaystay qorshe ay DFS la damacsanayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaraya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in hoggaamiyihii ururka Suufiyada ee Guriceel & Dhuusomareeb Macallin Maxamuud Sh/Xassan uu ka xeeladaystay qorshe ay DFS la damacsanayd.


Sida aan xogta ku heleyno DF-ka  madaxdeeda qaarkood ayaa dalbaday in loogu keeno Muqdisho si ay iskula sawiraan oo mar kalana saxaafadda ug soo bandhigaan balse waa uu ka biya diiday isagoo shalay maqribkii ka degay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Warar ayaa sheegaya in uu halkaa ugasii gudbi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya inkastoo dhanka kale ay jirto casuumaad uu ka helay hoggaamiyaha Puntland oo aad ugu kacsan Dowladda Federaalka.


Madaxda Suufiyada ayaa u muuqda kuwa ku tashaday in ay isaga baxaan magaalooyinkii ay joogeen sababo la xiriira ammaankooda oo ay u baqayaan.

DFS ayaa laaluush u adeegsatay saraakiishii kooxdan oo markoodii horaba ahaa calooshood u shaqeystayaal waxaana dhanka kale maalmihii lasoo dhaafay kadib dagaaladii ka dhacay Dhuusomareeb iyo Guriceel isi soo tarayay siyaasiyiinta cambaareynaya DF islamrkaana ku eedeynaya in ay dhibaato iyo qarbudaad ka geysatay magaalooyinkaas.



Related Items