Dagaal Culus oo dib uga qarxay magaalada Beled Xaawo.

Monday March 02, 2020 - 13:50:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus oo dib uga qarxay magaalada Beled Xaawo.

    Warark ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay degmada Beled Xaawo ku dhaxmarayaan maleeshiyaad daacad u ah maamulka 'Jubbaland' iyo ciidamo katirsan dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warark ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay degmada Beled Xaawo ku dhaxmarayaan maleeshiyaad daacad u ah maamulka 'Jubbaland' iyo ciidamo katirsan dowladda Farmaajo.


Dagaalka oo bilaawday maanta duhurkii ayaa sababay in maleeshiyaadka uu wato Cabdi Rashiid Janan wasiirka amniga maamulka Axmed Madoobe ay gudaha usoo galaan Beled Xaawo waxaana halkaas ka socda dagaal culus.

Dad ku sugan degmada Mandheera ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiicda iyo rasaas labada dhinac ay isdhaafsanayaan, ciidamo dhowaan dowladda Federaalka ay diyaarado ku geysay Beled Xaawo ayaa isku dayaya in ay iska difaacaan hujuumka uga yimid Cabdi Rashiid Janan.


Khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ayaa umuuqda mid faraha kasii baxaya waxaana laga yaabaa in dagaalka labada dhinac udhaxeeya uu ku fido Kismaayo iyo hareeraheeda oo dhinacyada ay ciidamo kawada joogaan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items