Turkiga oo diyaarad dagaal kasoo riday nidaamka Bishaar Al Asad.

Tuesday March 03, 2020 - 12:39:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Turkiga oo diyaarad dagaal kasoo riday nidaamka Bishaar Al Asad.

    Melleteriga dowladda Turkiga ayaa wali sii wada guluf dagaaleedka ka dhanka ah ciidamada Bishaar Al-Asad ee dhowaan ka bilaawday gobollo dhaca waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladda Turkiga ayaa wali sii wada guluf dagaaleedka ka dhanka ah ciidamada Bishaar Al-Asad ee dhowaan ka bilaawday gobollo dhaca waqooyiga wadanka Suuriya.


Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa maanta duhurkii xaqiijisay in diyaarada nuuca dagaalka ah oo uu lahaa nidaamka bishaar Al Asad ay kusoo ridday hawada magaalada magaalada Idlib.

Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday xilli ay dad shacab ah ku duqeynaysay magaaladan oo hooy u ah inkabadan 3 malyan oo barakacayaal reer Suuriye ah.

Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabtida ku dhawaaqday in ay aag dagaallada ka caagan ka dhigi doonto gobolka Idlib islamarkaana ay dhulka soo dhigi doonto diyaaradaha nidaamka bishaar ee isku daya in ay duqeeyaan shacabka rayidka ah.


Dhinaca kale ciidamada nidaamka oo taageera ka helaya melleteriga Ruushka ayaa markale dib uqabsaday magaalada Saraaqib ee istiraatiijiga ah, wakaaladda SANA ee afka nidaamka Al Asad ku hadasha ayaa sheegtay in xoogaga mucaaradka ah dagaal looga saaray magaaladan oo isbuucii lasoo dhaafay ay qabsadeen kooxaha mucaaradka ah ee Turkigu taageerada siinayo.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items