Taliban oo dib ubillaawday Howlgalladii melleteri ee ay ka wadday Afghanistan.

Tuesday March 03, 2020 - 13:24:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo dib ubillaawday Howlgalladii melleteri ee ay ka wadday Afghanistan.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in ay dib ubilaawdeen howlgalladii melleteri ee ka dhanka ahaa ciidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in ay dib ubilaawdeen howlgalladii melleteri ee ka dhanka ahaa ciidamada xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.


Taliban waxay sheegtay in ay soo gaba gabaysay xabad joojin soo bilaabatay 22,Feberaayo 2020 islamarkaana ay amar kusiinayso ciidamadeeda in ay sii wadaan ololaha melleteri ee ka dhanka ah maleeshiyaadka dabadhilifyada xukuumadda Kaabuul.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Imaarada islaamiga ah oo wakaaladaha wararka lahadlayay maalintii Isniinta ayaa sheegay in ay dib ubilaabeen camaliyaatka jihaadiga ah oo xoogooda ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka xukuumadda.


"Fatradii hoos udhigidda dagaallada waa soo dhammaadeen waxaana si dabiici ah dib ugu bilaabanaya howlgalladeeni jihaadiga ahaa" sidaas waxaa wakaaladda wararka Faransiiska usheegay Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid.

Dhammaan umarada caskariga Imaarada Islaamiga ayaa lasiiyay awaamirta ah dib ubilaabidda camaliyaadka jihaadiga ah, gelinka dambe ee maanta Talaadada ayay Taliban u astaysay bilaabashada weerarada.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhowaan bilaabayso qorshaha ka bixitaanka ciidamada Americanka ah ee wadanka Afghanistan.

Mark Esber oo ah wasiirka difaaca Mareykanka ayaa ka sheegay magaalada Washington in toban maalmood gudahood ay la bixi doonaan kumanaan kun oo askari,waxaana lafilayaa in 135 maalmood gudahood Afghanistan looga saaro ciidan dhan 8600 (sideed kun iyo lix boqol) askari American ah arrinkaas oo qeyb ka ah heshiiskii dhinacyada dhowaan ku dhaxmaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ashraf Ghani oo ah madaxweynaha xukuumadda Kabul ayaa walaac ka muujiyay weerarada uga imaanaya Taliban isagoo heshiiskii dhowaan Qadar ka dhacay ku tilmaamay mid aan dan u aheyn xukuumaddiisa.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items