Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Banaadir oo shaqada laga eryay kadib markii la duqeeyay Xerada Xalane.

Tuesday March 03, 2020 - 19:32:03 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Banaadir oo shaqada laga eryay kadib markii la duqeeyay Xerada Xalane.

    Hoggaanka Nabad Sugidda ee DFS ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihiisii gobolka Banaadir sida aan xogta ku heleyno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Nabad Sugidda ee DFS ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihiisii gobolka Banaadir sida aan xogta ku heleyno.


Taliyaha xilka laga qaaday oo lagu magacaabo Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadiisa kadib markii bishan iyo tii lasoo dhaafayba ay Xarakada Al-Shabaab dharaar cad duqeysay xerada Xalane oo talis u ah Safaarado Reer Galbeed ah iyo hoggaanka ciidamada shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqeystayaal ah.

Duqeyntii bishii hore ku dhacday Xalane waxaa xilka looga qaaday taliyihii saldhigga Booliska ee degmada Wadajir sida uu sheegay taliyaha guud ee Booliska Ganaraal Xijaar.


Shaqada laga eryay Ibraahim Macallin Cabdullaahi ayaa waxaa si kumeel gaar ah loogu dhiibay Ciise Maxamed Ciise oo ka tirsan Saraakiisha BS-ta ama Nabad Suggida.

Duqeyntii u dambaysay ee Xerada Xalane loo geystay maalin ka hor ayaa waxaa ku dhaawacmay laba sarkaal oo caddaan ah iyadoo sidoo kale ay dhismayaal iyo agabyo ku burbureen.

Dowladda Federalka ayaa muujinaysa in aysan agteeda wax caadi ah ka ahayn xerada Xalane oo la duqeeyo waana midda keenaysa in ay taliyaal xilalkooda ku waayaan laakin waxaa is weydiin mudan xasuuqii dhawaan ku dhacay ciidanka dowladda ee joogay Ceelsaliini, yaa xilka looga qaaday?

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items