Al Shabaab oo Askar ku dishay xaafadda Ex.Control Afgooye.

Tuesday March 03, 2020 - 20:52:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Askar ku dishay xaafadda Ex.Control Afgooye.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Weerar maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex.control Afgooye ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac gaaray tiro kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda waxayna halkaas ka geysteen toogasho iyagoo markii ay askarta dileen si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Weerarada dilalka qorshaysan ah ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana muuqata in laamaha ammaanka dowladda ay ku guuldaraysteen ka hortagga weeraradan nuucaan ah.



Related Items