Maxaa ka Jira in la joojiyay Saldhiggii Milatari ee dowladda Imaaraatka ka dhisanaysay magaalada Berbera?

Wednesday March 04, 2020 - 20:16:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka Jira in la joojiyay Saldhiggii Milatari ee dowladda Imaaraatka ka dhisanaysay magaalada Berbera?

    Dowladda Imaaraadka Carabta oo Dekedda magaalada Berbera shuraako kula ah Itoobiya horeyna magaalada uga dhisanaysay saldhig milatari ayaa haatan la sheegayaa iney joojisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Dekedda magaalada Berbera shuraako kula ah Itoobiya horeyna magaalada uga dhisanaysay saldhig milatari ayaa haatan la sheegayaa iney joojisay.


Wargeys kasoo baxa dalka Abu Dubai ee dalkaas oo lagu magacaabo The National ayaa qoray warbixin uu kusoo gudbiyay macluumaad sheegaya in la joojiyay saldhigii milatari ee laga dhisayay magaalada Berbera ee gobollada Waqooyi.

Marnaba warbixinta wargeyska lagumasoo hadal qaadin sababta la dambeysa in Imaaraadku joojiyo saldhigga ha yeeshee waxay arrintan kusoo aadeysaa iyadoo warar la helay todobaadyo ka hor sheegayeen in Ruushku uu doonayo inuu saldhig ka sameysto Berbera.


Imaaraadka  waxay saldhig ciidan ku leeyihiin dalka Eratariya tan iyo sannadkii 2015kii, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, uu goor aan sii fogeyn si dadban uga hor dhacay arrintan isagoo sheegay in saldhigga loo beddelayo meel dan guud ah oo ay dadku ka faa’iideystaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh Xabashida Itoobiya iyadoo kaalin weyn ku lahayd, dhaqaale badanna ku bixisay heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eratariya.

Heshiiska ay ku qaateen Dekedda Berbera ayaa ahaa mid ka yaabiyay Soomaalida oo dhan kadib markii qoraalka lagu sheegay in Itoobiya ay saami ahaan dhaqaalaha dekedda ku leedahay 19% iyadoo jawaab loo la’yahay illaa iyo hadda waxa ay ku mudatay.

Baarlamaanka Federaalka ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday heshiiskaas laakin dheg jalaq looma siin waxaana xigay heshiis kaas kasii daran oo uu Farmaajo qol mugdi ah kula galay Abiy Axmad islamarkaana ku siiyay 4 dekedood oo aan illaa iyo hadda la sheegin.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items