Ciidamada Al Shabaab oo duqeeyay Saldhigga Ciidamada Jabuuti Ee Jalalaqsi.

Thursday March 05, 2020 - 08:42:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo duqeeyay Saldhigga Ciidamada Jabuuti Ee Jalalaqsi.

    Guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeysay ciidamada Jabuuti ee heysta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeysay ciidamada Jabuuti ee heysta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.


Wararka ka imaanaya Jalalaqsi ayaa waxay sheegayaan in tobaneeyo madfac lala helay saldhigga iyadoo la maqlayay hugunkooda, lana arkayay qiiqa iyo habaaska ay bixinayeen.

Ma jirin wax rasaas ah oo ay rideen ciidanka Jabuuti inta ay duqeyntu ku socotay maadaama aysan garan karin halka looga yimid waxaana askari walba uu ku mashquulay sidii uu tiisa u badbaadin lahaa.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in khasaare kala duwan uu soo gaaray ciidankan lana arkayay gaadiid nooca gurmadka ah oo dhaawacyo iyo meydadba u daabulaya halka ay wax ku daweystaan.


Guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii laba jibaartay weeraradeeda ka dhanka ah DFS iyo ciidamada shisheeye.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items