Shirkadaha Diyaaradaha Qaaradda Afrika oo $400 Milyan Khasaaray Muddo 30 Cisho Gudahood Ah.

Thursday March 05, 2020 - 09:39:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Diyaaradaha Qaaradda Afrika oo $400 Milyan Khasaaray Muddo 30 Cisho Gudahood Ah.

    Cudurka Carona wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika gaar ahaan wadamada ku tiirsan duulimaadyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Carona wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika gaar ahaan wadamada ku tiirsan duulimaadyada.


Warbixin ay soo saareen urur ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in bishii Febraayo ee todobaadkii hore idlaatay ay shirkadahu khasaareen adduun lacageed oo dhan $400 Milyan.

Shirkadaha duulimaadka ee qaaraddan ayaa inta badan u safri jiray dalka Shiinaha waxaana kamid ah kuwa laga leeyahay dalalka Taanzaaniya, Ruwanda, Madagascar, Morocco iyo Kenya kuwaasoo dhammaantood joojiyay dhammaan socdaaladii ay ku tagi jireen dalkaasi.


Dowladaha qaar ayaa duulimaadyadooda u joojiyay si ay uga hor tagaan in cudurka uu soo galo dalalkooda waxaase jira dowlado wali ku dhiiranaya in ay duulimaadyadooda shaqeeyaan kuwaas oo ay kamid tahay Itoobiya.

Illaa iyo hadda wadamada Qaaradda Afrika ee laga helay cudurka Carona ayaa waxay kala yihiin: Nigeria, Masar, Tunisia, Morocco, Senegal iyo Aljeeriya.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay wadamo ku yaalla qaaradda oo ay ku tilmaantay inuu adeeggooda caafimaad aad u liito, awoodna aan u lahayn iney iska caabiyaan cudurka.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items