Ciidamo Caddaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo Qarax weyn lagula beegsaday Sh/Hoose lagana gubay gaari gaashaaman.

Thursday March 05, 2020 - 20:51:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Ciidamo Caddaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo Qarax weyn lagula beegsaday Sh/Hoose lagana gubay gaari gaashaaman.

    Waxaa maanta gobolka Sh/Hoose ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo isugu jira ajaanib caddaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo ay iyagu tababarteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta gobolka Sh/Hoose ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo isugu jira ajaanib caddaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo ay iyagu tababarteen.


Ciidamada Caddaanka ah ayaa iska hor mariyay kuwii Soomaalida ahaa oo ku magacaaban in ay ka tirsaniyihiin milatariga DFS waxaana qarax culus lagula helay meel u dhow degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxu uu burburiyay gaari Beebe ah oo ay wateen ciidamada DFS waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 6 askari halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Durbadiiba waxay hakad galiyeen socdaalkoodii iyagoo halkaas ka uruursaday meydadka iyo dhaawacyada kasoo gaaray qaraxii maanta.


Dhanka kale waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay askari ka tirsan sirdoonka DF.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa askarigan lagu dilay degmada Dharkeenley gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey.

Dadka degaanka waxay sheegeen in rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen ninka BS-ta ah. Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fuliya weeraro ay ku beegsanayaan sirdoonka DF iyo waaxyaha kale ee dowladda.

Fadlan  Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items