Duqeyn ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah ooo ka dhacday Kuunyo Barrow.

Friday March 06, 2020 - 19:09:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Duqeyn ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah ooo ka dhacday Kuunyo Barrow.

    Diyaaradaha Maraykanka ayaa xalay markale duqeyn ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah ka gaystay deegaanka kuunyo barrow ee shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha Maraykanka ayaa xalay markale duqeyn ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah ka gaystay deegaanka kuunyo barrow ee shabeelaha hoose.


Laba gantaal ayaa ku dhacay guri ay deganaayeen qoys kamid ah dadka ku dhaqan Kuunyo barrow, waxaana halkaasi ku dhaawacmay hooyo.

Hooyada oo heysata shan caruur ah ayaa la geeyay isbitaal maxali ah oo lagula tacaalay xaaladeeda caafimaad,

Nasiib wanaag ma jirin waxyeelo soo gaartay caruurta balse waxay la saseen jugta gantaalaha.

Seynab Abuubakar ayaan la kulanay iyadoo dul saaran sariirta oo ay hareer joogaan hooyooyin soo booqday waxayna sheegtay inay ka dhaawacantay Lugta.


Qof kale oo dhalinyaro ah islamarkaana ka shaqeyta harqaanka ama dawaarka ayaa ku dhaawacmay duqeynta.

Waayihii danbe Maraykanka waxa uu sii laba jibaaray duqeymaha aanan kala sooc lahayn ee diyaaradihiisu ka gaysteen shabeelaha hoose.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items