Bin Salmaan oo xiray ina Adeerradiis iyo Amiir Sare oo Aala Sacuud katirsan.

Saturday March 07, 2020 - 14:14:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bin Salmaan oo xiray ina Adeerradiis iyo Amiir Sare oo Aala Sacuud katirsan.

    Saaka aroortii hore ayay warbaahinta caalama bilaawday in ay tabiso warbixinno sheegaya in xabsiyada loo taxaabay sedax kamid ah umarada ugu awoodda badan qoyska talada Sacuudiga hay ee Aala Sacuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaka aroortii hore ayay warbaahinta caalama bilaawday in ay tabiso warbixinno sheegaya in xabsiyada loo taxaabay sedax kamid ah umarada ugu awoodda badan qoyska talada Sacuudiga hay ee Aala Sacuud.


Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha dowladda Sacuudiga ayaa xiray mas'uuliyiin sarsare oo katirsan qoyska wadanka maamula, ilo wareedyo ayaa sheegaya in umarada laxiray ay kamid yihiin Max'med Bin Naayif wasiirkii hore ee arrimaha gudaha islamarkaana noqday dhaxal sugaha wadanka.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada ilaalada boqortooyada ay xireen Amiir Axmed Bin C/Caziiz oo ladhashay boqorka Sacuudiga iyo Max'med Bin Naayif labadan nin ayaa looga shakiyay in ay maleegayeen Inqilaab melleteri.


Sidoo kale waxaa laxiray Nawaaf bin Baayif oo ah walaala yihiin dhaxal sugihii hore, macluumaadyo laga helay qoyska talada haya ayaa lagu ogaaday in xalay saqdii dhexe ay dhaceen howlgallo raaf ah oo uu mas'uul ka ahaa Max'med Bin Salmaan oo ah ninka ugu awoodda badan dalka Sacuudiga.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items