Al Shabaab oo Weeraro ka fuliyay deegaannada Warmaxan iyo Qalimoow.

Saturday March 07, 2020 - 20:21:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weeraro ka fuliyay deegaannada Warmaxan iyo Qalimoow.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara badan dhaliyay ka fuliyay deegaanno katirsan labada Shabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro khasaara badan dhaliyay ka fuliyay deegaanno katirsan labada Shabelle.


Weerar maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Warmaxan ayaa lagu dilay ugu yaraan 1 askari mid kalane dhaawac ayaa soo sheegay, xoogaga weerarka geystay ayaa hub ka furtay askariga ladilay oo katirsanaa ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.

dhinaca kale Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in markale weerar jidgal ah lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.


Maanta gelinkii dambe ayay xoogaga Al Shabaab weerar dhabbagal ah udhigeen kolonnyo katirsan ciidamada Burundi, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay ciidamadan kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah.

dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan, weerarka oo ka dhacay deegaanka Qalimoow oo 30 Km ujira degmada Balcada ayaa imaanaya xilli Al Shabaab ay sare uqaadeen beegsigada ciidamada Burundi ee ku sugan Sh/dhexe

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items