Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Amniga DFS oo loo Gudbiyay Farmaajo.

Monday March 09, 2020 - 09:24:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Amniga DFS oo loo Gudbiyay Farmaajo.

    Dad badan oo isugu jira culimo iyo odayaal dhaqameedyo ayaa madaxweynaha DFS Maxamad Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyay qoraal ay uga cabanayaan Wasiirka Amniga Maxamad Abuukar Islow, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu xoog ku heysto dhul qoys leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo isugu jira culimo iyo odayaal dhaqameedyo ayaa madaxweynaha DFS Maxamad Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyay qoraal ay uga cabanayaan Wasiirka Amniga Maxamad Abuukar Islow, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu xoog ku heysto dhul qoys leeyahay.


Dhulkan oo ah halkii uu ku yaallay Baarkii hore ee Liido islamarkaana ay leeyihiin qoyska Cabduqaadir Axmed Jimcaale, oo loo yaqiinay Shiikh Naaji, ayuu Wasiirka Amnigu si xoog ah ku qaatay.

Mid kamid ah ganacsatada degmada C/Caziiz oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inaaney jirin cid wasiirka xataa ka iibsatay dhulkan amaba ku khaladay, hase ahaatee uu khiyaarkiisa ku boobay.

Wasiir Islow ayaa ah nin leh hal abuurro ganacsi oo ku dhisan dhul boob iyo inuu ka macaasho wax yaabo aaney horey Soomaalida u aqoon sida:- sameynta dhagxaanta waddooyinka lagu gooyo, soo dajinta khamriga iyo colaadinta ganacsatada.


Mid kamid ah odayaasha dacwada u gudbiyay Farmaajo ayaa sheegay inaaney jawaab ka sugayaan Madaxda DFS, dhanka kalana ay wadaan abaabulka dacwad ay u gudbinayaan ehelada Wasiirka si ay arrintan usoo fara galiyaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caan ka ah boobka dhulalka siiba kuwa meelaha muhimka ah ku yaalla, waxaana cadaalad darradan ay keentay in mar walba bulshadu dhaleeceyso garsoorka DFS, oo ah mid ku dhisan laaluush iyo qawaaniin u dhiganta (la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan).

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items