Al Qaacidada Saaxilka oo Shuruud ku xirtay wadahadal ay lagasho xukuumadda Maali.

Monday March 09, 2020 - 10:31:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 8
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Saaxilka oo Shuruud ku xirtay wadahadal ay lagasho xukuumadda Maali.

    Markii ugu horraysay jamaacada Jihaadiga Nusratul Islaam Walmuslimiin ee ka dagaallanta galbeedka qaaradda Afrika ayaa ka hadashay kacdoonnada shacbiga ah ee ka socda wadanka Maali iyo baaqyada ku aaddan in wadahadal lalagalo xukuumadaha mandiqadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay jamaacada Jihaadiga Nusratul Islaam Walmuslimiin ee ka dagaallanta galbeedka qaaradda Afrika ayaa ka hadashay kacdoonnada shacbiga ah ee ka socda wadanka Maali iyo baaqyada ku aaddan in wadahadal lalagalo xukuumadaha mandiqadda.


Bayaan kasoo baxay hoggaanka Jamaacada JNIM ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu diyaar uyihiin wadahadal ay lagalaan xukuumadda dabadhilifka ah ee kajirta wadanka Maali balse ay ku xirayaan hal shardi.

Al Qaacidada mandiqadda Saaxilka waxay sheegtay in iyadoo ajiibaysa baaqyada uga imaanaya shacabka ee ah in wadahadal lalagalo xukuumadda ay ogolaatay wadahadalka balse ay shardi ka dhigaan in dalka Maali laga saaro ciidamada gummeysiga Faransiiska ee wata magaca howlgalka (MINUSMA).


Sidoo kale shuruudaha waxaa kamid ah in dalka laga saaro ciidamada ka hoos shaqeeya howlgalka Barkhan ee Faransiisku dhisay iyo sidoo kale kuwa isku magacaabay isbahaysiga G5.

Image
Image

"waxaan halkan ugu bishaaraynaynaa shacabkeena dulmidiidka ah in aan diyaar unahay wadahadallo aan lagalno xukuumadda Maali ee madaxweynaheedu iclaamiyay in uu doonayo wadahadal uu lafuro jamaacada ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta si loosoo gaba gabeeyo loollanka dhiiggu ku daatay ee lugta lagalay sanadkiisi todobaad sababa laxiriira duullaanka Faransiiska ee saliibiga ah" ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoggaanka Jamaacada jihaadiga Nusratul Islaam walmuslimiin waxay bayaankooda ku sheegeen in dhawaqa dalbanaya wadahadalka ee kasoo yeeray madaxweynaha dabadhilifka xukuumadda Maali uusan aheyn mid waaqici ah balse ladoonayo in marmarsiimo loogu sameeyo siyaasadda isticmaarka  Faransiiska ee Maali.

Mujaahidiinta Maali waxay ayideen dibad baxyada ballaaran ee shacabku ugasoo horjeedaan gummeystaha Faransiiska kaasi oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka waaweyn, shuruuradaha lagu xiray wadahadallada ee ah in dalka laga saaro dhammaan ciidamada ajaanibta soo duulayaasha ah ayay falanqeeyayaashu ku sheegayaan in fulintooda ay ku adagtahay xukuumadda kajirta magaalada Bomako oo ku timid taangiyada Faransiiska dushooda.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items