'Beesha Caalamka' oo walaac ka muujisay colaadda ka aloosan gobolka Gedo.

Monday March 09, 2020 - 10:25:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    'Beesha Caalamka' oo walaac ka muujisay colaadda ka aloosan gobolka Gedo.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka udhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka khilaafkaas oo ragaadiyay shaqadii ay dabadhilifyadu gummeystayaasha uga hayeen Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa markale walaac ka muujisay khilaafka udhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka khilaafkaas oo ragaadiyay shaqadii ay dabadhilifyadu gummeystayaasha uga hayeen Soomaaliya.


Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen waxa loogu yeero beesha caalamka oo ah Ururo iyo dowlado ku lug leh duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya ayay ku sheegeen in ay ka walaacsanyihiin colaadda ka aloosan gobolka Gedo ee udhaxaysa Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Waxay sheegeen in ay xabad joojin iyo wadahadal ugu baaqayaan dowladda Federaalka iyo maamulka 'Jubbaland', walaacan ay muujiyeen gummeystayaasha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Axmed Madoobe uu boqolaal askari udiray degmada Beled Xaawo halkaas oo laba ciidan isku hor fadhiyaan.


Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa ku eedaynaya Farmaajo iyo Kheyre in ay ay muquunin ku hayaan maamuladooda iyagoo adeegsanaya maleeshiyaad Soomaali ah oo ay tababareen dowladaha Qadar iyo Turkiga.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items