133 qof oo wadanka Talyaaniga hal maalin ugu dhintay Cudurka Carona iyo madaxweynaha Boortaqiiska oo lakaraantiilay.

Monday March 09, 2020 - 10:32:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    133 qof oo wadanka Talyaaniga hal maalin ugu dhintay Cudurka Carona iyo madaxweynaha Boortaqiiska oo lakaraantiilay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in cudurka dilaaga Carona Virus uu dadkii ugu badnaa maalin qura ku laayay wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in cudurka dilaaga Carona Virus uu dadkii ugu badnaa maalin qura ku laayay wadankaasi.


Wasaaradda caafimaadka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in shalay ay cudurka Carona udhinteen dad gaaraya 133 qof halka uu soo ritay 134 qof taas oo ka dhigan in Talyaanigu yahay halka 2aad ee ladhiban Carona Shiinaha kadib.

Maamulayaasha Talyaaniga waxay xaqiijiyeen in dadka udhintay Carona ay gaarayaan 366 qof halka ay lajiifaan kumanaan kun oo ruux, R/wasaaraha Talyaaniga wuxuu sheegay in ay xaalad karaantiil ay kusoo rogeen 14-ka gobol ee wadanka ugu waaweyn.


Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda dalka Bortaqiiska ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha wadankaas lageliyay Karaantiil kadib markii looga shakiyay in uu asiibay cudurka Carona Virus.

Qasriga madaxtooyada Boortaqiiska ayaa ku dhawaaqay in lajoojiyay dhammaan booqashooyinkii gudaha iyo dibadda ee lagu tagi jiray xarumaha dowladda gaar ahaan guriga madaxweynaha wadankaas ninka lagu magacaabo Marcelo Rebelo de Souza.

Waa madaxweynihii labaad ee laga Karaantiilo cudurka Carona Virus horay waxaa sidaan oo kale xaalad go'doon ah loo geliyay madaxweynaha Mangooliya kadib markii ay xanuunsadeen kaaliyaashiisi ugu dhowaa

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items