Ingiriiska oo mushaarkii Ka Joojiyay Ciidanka RRU & Maamulka Somaliland oo ku Calaacalay Midowga Yurub.

Tuesday March 10, 2020 - 07:41:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska oo mushaarkii Ka Joojiyay Ciidanka RRU & Maamulka Somaliland oo ku Calaacalay Midowga Yurub.

    Maamulka Somaliland ayaa culeys weyn u arka in dhaqaalaha laga goosto ciidanka RRU oo hoos tagi jiray sirdoonka dalka Ingiriiska, laguna caburin jiray dad weynaha gaar ahaan kuwa ahlu diinka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa culeys weyn u arka in dhaqaalaha laga goosto ciidanka RRU oo hoos tagi jiray sirdoonka dalka Ingiriiska, laguna caburin jiray dad weynaha gaar ahaan kuwa ahlu diinka ah.


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ayaa xaqiijiyay in laga billaabo bishan ay Ingiriisku mushaarka ka jaranayaan ciidamada RRU oo gobolada Waqooyi looga yaqaano "Ashahaado la dirirka”.

Wasiirku wuxuu hadalkan ka hor sheegay wafdi ka socda Mudowga Yurub oo maalmahanba Hargeysa u joogay in ay la xisaabtamaan maamulka Somaliland islamarkaana xalliyaan khilaafaadyadii ka dhashay doorashooyinka iyo habkii loo wajihi lahaa.


Kaahin oo ay murugo badani ka muuqato islamarkaana si dhib ah ugu hadlayay luqadda Ingiriisiga ayaa wiilal iyo gabdho ka socda Midowga Yurub ka hor sheegay in ciidankan dhaqaalaha laga goostay ay muhim u yihiin wuxuu ugu yeeray ladagaallanka "argagixisada”

Ma jirto jawaab cad oo laga siiyay cabashadiisa balse sababta uu Ingiriisku uga goostay mushaaraadka ayaa lagu macneeyay isagoo ka baxay ururka Midowga Yurub dhanka kalana aaney wax natiijo ah usoo kordhin RRU-da oo aanan ka ahayn sumcad darro.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira ciidamo si gaar ah u hoos taga dowlado kala duwan. Tusaale ahaan Puntland waxaa ka jira PIS oo hoos tagta Mareykanka, Muqdisho waxaa jooga ciidamo kala hoos taga Mareykanka, Turkiga, Ingiriiska iyo qaar ay si gaar ah usoo tababarteen Xabashida iyo Kenyaanka si ay xabbada isaga dhigaan.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana ciidamadaas waxaa shacabka looga dhigaa iney yihiin askar Soomaaliyeed iyadoo loo bixiyay magacyada xayawaanaadka Soomaalida, taasoo ka duwan magacyada saxda ah ee ay ajaanibtu u baxsadeen sida Alfa Group oo kale oo ay DF-kana ugu yeerato Gaashaan iyo Danab!!.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items