Qarax Khasaare dhaliyay oo Xalay ka dhacay magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Tuesday March 10, 2020 - 07:50:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaare dhaliyay oo Xalay ka dhacay magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

    Qarax ayaa habeenkii xalay lagu weeraray bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ayaa habeenkii xalay lagu weeraray bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.


Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in koontaroolka weerarkan lala beegsaday uu yahay kan laga ilaaliyo dekedda, halkaasoo ay si daran ugu dhaawacmeen 2 askari.

Dhaawacyada askartan ayaa waxaa loola cararay goobo caafimaad mana jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Puntland oo ku aadan weerarkan oo ay fuliyeen dagaal yahanno ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saaka markuu waagu dillaacay waxay ciidamada Booliska Boosaaso qaarkood ay sameeyeen hawl gallo ay ku muujinayaan iney baarayaan sida uu u dhacay weerarka.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items