Weeraro Ka dhan ah DF-ka Khasaarana geystay oo ka dhacay xaafado katirsan Muqdisho.

Tuesday March 10, 2020 - 15:58:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Weeraro Ka dhan ah DF-ka Khasaarana geystay oo ka dhacay xaafado katirsan Muqdisho.

    Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay weeraro sadax ah oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Wardhiigleey Hawlwadaag iyo Xamar Jajab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay weeraro sadax ah oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Wardhiigleey Hawlwadaag iyo Xamar Jajab.


Isgoyska Bakaaraha waxaa lagu beegsaday askari ka tirsan ciidamada Booliska kaas oo sida ay goob joogayaashu ku warramayaan lagu sharnaqay dhowr xabbadood.

Durbadiiba waa uu geeriyooday rasaastii lagala eegtay qeybaha sare ee jirkiisa halkaas oo ay ciidamo kale oo gurmad ahi meydkiisa goobta ka qaadeen.

Sidoo kale dagaalyahannada gaarka ah ee Al-Shabaab ayaa degmada Xamarjajab ku dhaawacay sarkaal ka tirsan Booliska oo darajadiisa ciidan ay aheyd laba xidigle.


Sarkaalkan oo lagu magacaabo Nuur Xawaadle ayaa sida aan xogta ku helaynno xabadaha looga dhuftay meelo halis ah waxaana lagu qaaday dhaawac garaab ah.

Weerar kale  oo ka dhacay wadada 30ka gaar ahaan furayaasha oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo 24kii saac ee ugu dambeeyay ay Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen gobollo kala duwan oo dhaca Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items