GUUSHA UU ABEY AXMED KU FAANAY WAA GUUSHEE?

Tuesday March 10, 2020 - 17:18:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUUSHA UU ABEY AXMED KU FAANAY WAA GUUSHEE?

    Abey Axmed oo ah ra'iisalwasaaraha dalka Itoobiya ayaa todobaadkan ku faanay in ay guul ka gaareen dagaalkii dhacay sannadihii 1977-78kii, kaas oo dhexmaray dawladda Itoobiya iyo dawladdii Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abey Axmed oo ah ra'iisalwasaaraha dalka Itoobiya ayaa todobaadkan ku faanay in ay guul ka gaareen dagaalkii dhacay sannadihii 1977-78kii, kaas oo dhexmaray dawladda Itoobiya iyo dawladdii Soomaaliya.

Abey waxa uu fagaare ka sheegay in ay Itoobiya jabisay cadowgeedii, dharbaaxo kululna ku dhufatay daandaansigii iyo gardaraddii ay Soomaaliya ku soo qaaday Itoobiya. Taariikhdu waa maguurto, waxa cad oo qoraallo iyo dhigaal door ah laga sameeyey dagaalkaa uu Abey ku faanay in ay iyagu guuleysteen, balse xaqiiqdu waxa ay tahay in dagaalkaas ay Itoobiya ku jabtay, ka dib markii meesha la isku qabsaday, dagaalkuna ka dhacay ay ahayd dhulka ay Itoobiya sheegato, balse ah dhul muran ka jiro oo ay Soomaalidu leedahay, gumeysigii Ingiriiskuna uu gacanta u geliyey Imbaraadooriyaddii Xabashida ee ay Minilik iyo Xayle Salaasihii 2aad isaga dambeeyeen.


 Ciidammada Soomaalidu waxa ay kulaaleen caasimaddii Itoobiya ee Addis-ababa, waana dhacdo qoran oo aan been laga sheegi karin. Balse haddii aan u soo noqdo jawaabta su’aashan ayaa ah guusha uu ku faanayo Abey ma ahan dagaalkii dhacay sannadahan aan soo xusay, ee guusha uu ku faanayaa waa gelitaankii ay Ciidammada Xabashidu galeen caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho dhammaadkii sannadkii 2006dii, iyada oo ay weliba hor kacayaan ninkii markaa sheeganayey madaxweynaha, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisalwasaarihiisii Cali Maxamed Geedddi, ugu dambayntiina iyaga oo kabaha afka ku sida ay ka huleeleen caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho.

Abey Axmed oo ah nin asalahaan ka soo jeeda qowmiyadda Muslimiinta ah ee Oromada balse isagu ka mid ah kooxda Oromada ee la Amxaareeyey ee la yiraahdo Amaxaaro-Oromo (Oroma-Amharic), lagana beddelay dhaqankii iyo diintii ayaa isagu mar labaad ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo hoggaanka Soomaalida, waayo waa ninka haga siyaasadda qolada Villa Somalia fadhida, hawshii uu doonana ugu yeera ama u dira, taas oo ah guul labaad oo ay gaartay Itoobiya, balse guusha uu Abey fagaaraha ka sheegay ma aha guul uu sheegan karo.

hoggaan Itoobiya horey u soo marey oo uu ku jiro Mingiste Xayle Maryan oo isagu markaa ahaa hoggaamiyaha Itoobiya iyo kii ka dambeeyey ee Meles Zanawi midna ma sheegan guushan, kumana faanin, ee guushu guusha aad moodeen ma ahee waa guusha uu hadda haysto iyo tii ay gaareen xilliggii 2006dii. Abey waxa ka hoos baxday oo geftey in uu ku casumo goobtii uu guusha ka sheeganayey qoladaa aan soo sheegay ee nabadoonka iyo garwadeenkaba uu u yahay.

W/Q Dr Suldaan Garyare

Related Items