Mareykanka oo 4 qof shacab ah Ku dilay duqeyn uu gaari rakaab ah ugu geystay duleedka degmada Janaale Sh/Hoose.

Tuesday March 10, 2020 - 19:21:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo 4 qof shacab ah Ku dilay duqeyn uu gaari rakaab ah ugu geystay duleedka degmada Janaale Sh/Hoose.

    Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya duqeyn wuxuushnimo ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay galabta ka geysteen Sh/Hoose kuna beegsadeen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya duqeyn wuxuushnimo ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay galabta ka geysteen Sh/Hoose kuna beegsadeen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.


Gaariga oo socda ayay diyaarado Drone ah  ku duqeeyeen meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Jannaale ee katirsan Sh/Hoose.

Dadka degaanka Ugunji oo gurmad u sameeyay safarreydan uu gumaadku ku dhacay ayaa inoo sheegay in ay indhahooda ku arkeen meydadka 4 qof waxaana suura gal ah in khasaaruhu intaas ka bato.

Degaanka Ugunji  waxaa laga maqlayay dhawaqa 2 gantaal oo ay soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo bulshada u muuqanaysay mana ah markii ugu horreysay oo uu Mareykanku sidan oo kale u beegsado gaadiidka rayidka ah ee isaga kala goosha deegaannada iyo degmooyinka Sh/Hoose.


Taliska Mareykamka AFRICOM ayaa marwalba oo uu duqeymo ku beegsado dadka shacab ah wuxuu ku sheegaa in uu dilay dagaalyahanno katirsan dhaq dhaqaaqa Jihaadiga ah ee Al Shabaab waana sheegasho uu ku qarinayo gummaadka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee marrasta ah.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items