Askar Burundays ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Mahadaay iyo garoonka diyaaradaha Jowhar oo laweeraray.

Wednesday March 11, 2020 - 08:14:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askar Burundays ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Mahadaay iyo garoonka diyaaradaha Jowhar oo laweeraray.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in halkaas uu shalay gelinkii dambe ka dhacay qarax xooggan kaasi oo lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Burundi, ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxa ku dhinteen tira kalane dhaawacyo kasoo gaareen.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha degmada Jowhar oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay xalay maqlayeen jugta madaafiicda ku hoobanaysay gudaha garoonka diyaaradaha Jowhar oo marin u ah madaxda ugu sarraysa maamulka 'Hirshabelle' kadib markii ay ku adkaadeen isticmaalka waddooyinka Jowhar gala.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items