Sawirro+Codad: Mareykanka oo duqeyntiii Shalay Ku Aabe tiray 10 Carruur ah oo ay Horay Hooyooyinkood U Geeriyoodeen.

Wednesday March 11, 2020 - 09:46:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Mareykanka oo duqeyntiii Shalay Ku Aabe tiray 10 Carruur ah oo ay Horay Hooyooyinkood U Geeriyoodeen.

    Faah faahin ayaa kasoo baxaysa duqeyn bahalnimo ah oo ay shalay diyaaradaha Mareykanku u geysteen gaari caasi ah oo shacab saarnaa islamarkaana ka carraabayay gobolka Shabeelaha Hoose kuna sii jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa kasoo baxaysa duqeyn bahalnimo ah oo ay shalay diyaaradaha Mareykanku u geysteen gaari caasi ah oo shacab saarnaa islamarkaana ka carraabayay gobolka Shabeelaha Hoose kuna sii jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Gaariga oo noociisu ahaa kan dad weynaha ee Caasiga loo yaqaano ayaa  duqeynta lagula beegsaday meel u dhow degaanka Ugunji oo hoos taga degmada Jannaale waxaana ku naf waayay 4 qof.

Sedax kamid ah afarta qof ayaa waxay xidid la yihiin qoys caan ah oo la yiraahdo reer Xaaji Xayaysi, sida uu inoo sheegay Xaaji Nuur Xaaji Xayaysi.

Xaajigu wuxuu sheegay in C/raxmaan Cali Waadhoor iyo Maxamad Axmad Sh/Isxaaq ay yihiin seediyaashii kuwaas oo ay carruur u dhaleen laba gabdhood oo reer Xaaji Xayaysi ah.


Wuxuu tibaaxay in ay horey u geeriyoodeen labada gabdhood ee ay raggan seediyaashii ah ka qabeen islamarkaana ay haatan la tacaalayeen 10 carruur ah oo gabdhahaasi ka dhinteen.

Midi wuxuu korinayay 6 carruur ah oo hooyo la'aan ah, kan kalana 4 carruur ah, halkaas ayuuna Mareykanku ku dilay rajadii ugu dambeysay ee carruurtaasi.

Raggan ayaa waxaa wehlinayay oday ay qaraabo yihiin oo la yiraahdo Cabdullaahi iyo nin darawal ah oo la oran jiray Axmad Niic. dhammaantoodna waxay ku gummaadmeen duqeyntaasi wuxuushnimo ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa aad usii kordhiyay duqeymaha uu ku beegsanayo dadka shacabka waxaana xusid mudan in qof walba oo uu dilo ay agtiisa ka yihiin dagaal yahanno Al-Shabaab ah, iyadoo warbaahinada qaarna ay sidaa si lamid ah u xaqiraan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Insha'allah saacadaha soo socda waxaan idiin soo gudbin doonnaa sawirro caddeyn u ah gumaadkan shacbi.

Halkan ka degso Wareysiga nin ehel la ah Shacabka la xasuuqay












Isha Sawirrada: Radio Alfurqaan

Related Items