Al-Shabaab oo Xalay dagaal toos ah ku qaaday laba Barood oo ay ciidanka dowladda ka joogeen Afgooye.

Thursday March 12, 2020 - 08:58:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Xalay dagaal toos ah ku qaaday laba Barood oo ay ciidanka dowladda ka joogeen Afgooye.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale guluf dagaaleed hor leh ku qaaday ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale guluf dagaaleed hor leh ku qaaday ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.


Abaaro 8:00, fiidnimo ee xalay waxaa degmada Afgooye ka dhacay dagaallo u dhaxeeuyay ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Dagaaladan ayaa yimid kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada islamarkaana weerareen laba barood oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dowladda oo halkaas loo geeyay in ay caawiyaan ciidanka AMISOM.

Weerarka koowaad waxaa lagu qaaday Mukayga halka kan kale lagu ekeeyay ciidamadii ku sugnaa Haanta Dheer oo isla degmada ka tirsan.


Goob joogayaal ku sugan degmada ayaa inoo sheegay iney maqlayeen hubkii la isku adeegsanayay, inkastoo aanan illaa iyo hadda la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Weeraradan kadib, ciidamada Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah ku roondeynayay wadooyinka waaweyn ee degmada Afgooye.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa dhawaan sheegay in aysan aadi karin degmada Afgooye oo u dhow Muqdisho, sababo ay ku sheegeen ciidanka Al-Shabaab oo wadada u gelaya.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items