Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo Madaafiic marti geliyay iyo Awdheegle oo lagu Weeraray AMISOM.

Thursday March 12, 2020 - 13:32:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo Madaafiic marti geliyay iyo Awdheegle oo lagu Weeraray AMISOM.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawlgala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay laba weerar ku qaaday ciidamada shisheeye ee AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawlgala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay laba weerar ku qaaday ciidamada shisheeye ee AMISOM.


Weeraradan oo ka kala dhacay degmooyinka Baraawe iyo Awdheegle ayaa waxaa lagu beegsaday ciidamada Uganda oo qeyb ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Guutada Madaafiicda ee Al Shabaab ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday ciidamada shisheeye ee heysta garoonka diyaaradaha ee Baraawe, halkaas oo tobaneeyo madaafiic ah ay ku garaaceen.

Garoonka waxaa deggan ciidamo badan oo shisheeye ah waxaana la rumeysan yahay inuu jiro khasaare kala duwan oo weerarka madaafiicda ah ka dhashay.


Sidoo kale waxaa weerar toos ah lagu qaaday askarta Uganda ee heysata Awdheegle iyo kuwa DFS ee halkaa ku wehlinaya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in degmada uu ka dhacay dagaal muddo saacad barkeed ah socday waloow askarta shisheeye ay kasoo dhex dagaalamayeen dhufeysyadooda.

Ciidamada Al Shabaab ayaa had iyo goor weerar ku qaadda ciidamada shisheeye iyo kuwa DF taas oo keentay in dhinacyadaasi ay ku adkaato iney isku gurmadaan amaba ay saadka is gaarsiiyaan.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items