Al Shabaab oo 3 Weerar oo Khasaare dhaliyay ka fuliyay gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD.

Thursday March 12, 2020 - 18:42:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 3 Weerar oo Khasaare dhaliyay ka fuliyay gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD.

    Faah faahin ayaa kasoo baxaysa weeraro kala duwan oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga gobolka Mandheera oo kamid ah dhulka Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa kasoo baxaysa weeraro kala duwan oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga gobolka Mandheera oo kamid ah dhulka Soomaalida.


Wararka naga soo gaaraya gobolka Mandheera ayaa waxay sheegayaan in 3 weerar oo dhabba gallo ah ay ka dhaceen wadada xiriirisa tuulooyinka Jabbi iyo Bambo oo hoos taga gobolkaas.

Kamiinkii ugu horreeyay ayaa waxaa ku dhacay gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah kaas oo ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada Al-Shabaab sida aan xogta ku helnay.

Hal qof mooyee dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaariga waxay noqdeen Muslimiin waxaana la dilay qofkii Kiristanka ahaa kadib markii imtixaan laga qaaday sida ay sheegeen saraakiil katirsan Al Shabaab.


Sidoo kale xoogaga jihaadiga ee SHM waxay isla wadadan ku qabteen gaari weyn oo Loori ah islamarkaana qalab u siday shirkadda isgaarsiinta dowladda Kenya ee la yiraahdo Safaricom.

Sida wararka aan ku heleyno waxaa l gubay gaariga iyadoo la dilay labo Injineer oo la socotay si ay qalabkan usoo rakibaan,intaas waxaa dheer oo isla wadan ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari Koyal ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.

Gaariga ayaa burburay ciidankii saarnaana waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa si firfircooni leh uga hawl gala gudaha Kenya iyo dhulka Soomaalida ee ay heysato.

Kenya ayaa xuduud beenaadka kasoo tallaabsatay sannadkii 2011ki  tan iyo xilligaasna waxaa dalkeeda kusii fidaya dagaalada.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items