Xoogag Jihaadi ah oo saacado kooban dagaal kula wareegay degmada Mahadaay.

Friday March 13, 2020 - 09:44:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo saacado kooban dagaal kula wareegay degmada Mahadaay.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa habeenkii xalay fuliyay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay gobolada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa habeenkii xalay fuliyay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay gobolada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.


Shabeelaha Dhexe haddaan ku horreyno waxay dagaal culus ku qaadeen degmada Mahadaay halkaas oo ay kula wareegeen xarumihii ay ku sugnaayeen ciidankii Hirshabelle.

Askarta Hirshabelle ayaa fagaaraha dagaalka isaga tegay muddo kadib markii ay xabaddu kululaatay waxayna ka carareen meydadka 2 askari, sida aan kasoo xiganay goob joogayaal xog ogaal ah oo magacooda u qariyay sababo ammaan aawgeed.

Sidoo kale ciidamada Xarakada  Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday ciidanka Uganda ee heysta degmada Awdheegle iyo kuwa DFS ee ay iyagu geeyeen Bariire iyo Sabiid.


Dagaalan oo isku waqti ku beegnaa ayaa aad looga dareemayay degaano badan walow aaney inoo suura galin inaan helno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa si joogto ah u weerara shisheeyaha Amisom iyo kuwa DF iyadoo dagaalka labada dhinac uu salka ku hayo mabaadi' iyo caqiido.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items