Mareykanka oo duqeymo ku beegsaday saldhigyo kuyaal wadanka Ciraaq.

Friday March 13, 2020 - 08:46:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo duqeymo ku beegsaday saldhigyo kuyaal wadanka Ciraaq.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in duqeymo laayaan ah lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Shiico ah kuwaas oo xiriir laleh dowladda Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in duqeymo laayaan ah lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Shiico ah kuwaas oo xiriir laleh dowladda Iiraan.


Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo saf mareen ah uu ku qaaday goobo ay Ciraaq uga sugnaayeen kooxo shiico ah, mareykanku wuxuu sheegay in uu duqeymo xadidan ku dilay tobanaan maleeshiyaad ah oo katirsan Xashdiga.

Meelaha duqeymaha lagu beegsaday waxaa kamid ah nawaaxiga magaalada Baqdaad, saldhigyo kuyaal gobollada Dayaala iyo Salaaxudiin oo dhammaantood kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin maleeshiyaadka Xashdiga loo yaqaan ee dowladda Iiraan ay tababartay.


Taliska dhex ee ciidanka Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqeymahan xagga cirka ah ay jawaab celinno u yihiin weerar 2 askari American ah lagu dilay oo maalintii arbacada lagu qaaday saldhigga Taaji ee waqooyiga magaalada Baqdaad.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items