Cudurka Carona Virus oo gaaray wadamdaa Kenya iyo Itoobiya.

Saturday March 14, 2020 - 08:27:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona Virus oo gaaray wadamdaa Kenya iyo Itoobiya.

    Cudurka dilaaga ah ee Carona Virus ayaa markii ugu horraysay soo gaaray bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga ah ee Carona Virus ayaa markii ugu horraysay soo gaaray bariga qaaradda Afrika.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay in cudurka laga helay laba qof kuwaas oo lagu Karaantiilayo isbitaallo gaar ah.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi laga helay qof cudurka Carona qaba islamarkaana lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Mas'uul u hadlay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa isna xaqiijiyay in ay diiwaan geliyeen kiiska hal qof uu qaba caabuqa Carona Virus, dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa xiriir ganacsi oo heerkiisu sarreeya laleh dowladda Shiinaha oo ah halkii uu kasoo bilaawday cudurka Carona Virus.


Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items