Donald Trump oo xaalad degdeg ah kusoo rogay dalka Mareykanka.

Saturday March 14, 2020 - 10:09:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo xaalad degdeg ah kusoo rogay dalka Mareykanka.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah kadib markii Viruska Carona uu si xowlli ah ugu dhax faafay bulshada Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah kadib markii Viruska Carona uu si xowlli ah ugu dhax faafay bulshada Mareykanka.


Donald Trump ayaa iclaamiyay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dhammaan gobollada wadanka waxayna xaaladdan saameyn weyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha wadanka.

Trump ayaa amar kuusiiyay guddoomiyaasha gobollada iyo wasaaradaha kala duwan ee dowladda in ay fuliyaan xaaladda degdegga ah ayna ladagaallamaan Carona Virus, wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha siinaysa adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shir jaraa'id ku sheegay in uu wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday lacag dhan 50 Bilyan oo dollar si wax looga qabto faafidda Carona Virus, wuxuu aad udhaliilay qaabka ay guddiyada caafimaadka ubaarayaan dadka looga shakisanyahay Carona isagoo ku sifeeyay nidaam dib udhacsan.


Sidoo kale Mareykanka ayaa mamnuucay dhammaan maraakiibtii caalamka uga imaan jirtay ee badeecadaha ganacsi soo gelin jirtay mareykanka iyo kuwii ka baxayay, arrintan ayaa saameyn hor leh gelinaysa ganacsiga Mareykanka.

inkabadan 65 qof ayaa gudaha Mareykanka ugu dhimatay Cudurka Carona waxaana lasaadaalinayaan in cudurku ku dhax faafi doono bulsahda Mareykanka haddii aan si dhaqsi ah wax looga qaban bukaanada uu Carona soo ritay.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items