Dhageyso: Maxkamad Islaami ah oo Xukun Xaddu Zina ah ku fulisay Nin kufsaday gabar 14 sana jir ah.

Saturday March 14, 2020 - 11:07:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Maxkamad Islaami ah oo Xukun Xaddu Zina ah ku fulisay Nin kufsaday gabar 14 sana jir ah.

    Fagaare kuyaal magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ayaa xukun xadu Zina ah lagula fuliyay wiil dhalinyara ah oo kufsi ugeystay gabar isagoo aan horay wax guur ah usoo marin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ayaa xukun xadu Zina ah lagula fuliyay wiil dhalinyara ah oo kufsi ugeystay gabar isagoo aan horay wax guur ah usoo marin.


Maxkamadda Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xukun min 100 Jeydal ah ku fulisay Max'med Aadan Aboogeey oo kufsaday gabar 14 sana jir ah oo lagu magacaabo Shamso Maxamuud Xasan.

Maxamuud Xasan Maxamuud Ooji oo ah aabaha dhalay gabadha lagu xadgudbay ayaa dacwaystay ninka dambiilaha ah ee dhibaateeyay gabadhiisa, fagaaraha weyn ee magaalada Bu'aale ayaa lagu karbaashay ninka gabadha kufsaday waxayna maxkamaddu ka qaadday lacag dhan 500 oo dollar ah oo ah bikaarada gabadha uu kufsaday iyo 5 neef Lo' ah waana maharka gabadha uu kufsaday.


Sidoo kale Ninka gabadha kufsaday waxaa lagu xukumay hal sano oo masaafuris ah, dadkii goobta ku sugnaa ayaa takbiirsaday markii uu xukunku dhacayay waxaana xusid mudan in dhammaan hantida gabadha loo xukumay laga qaaday ninka kufsiga geystay.

Wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa kuyaal maxkamad islaami ah oo tadbiiqiya shareecada Islaamka, maamulladaas Islaamiga ah waxay bulshada u horseedeen ammaan iyo kala dambeyn

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items