Dowladda Itoobiya oo gobolka Oromia ka jartay Internetka iyo isgaarsiinta Taleefannada.

Saturday March 14, 2020 - 17:40:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo gobolka Oromia ka jartay Internetka iyo isgaarsiinta Taleefannada.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa jartay dhammaan adeegyada isgaarsiinta ee laga isticmaali jiray gobolka Oromia oo ah midka ugu dadka badan Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa jartay dhammaan adeegyada isgaarsiinta ee laga isticmaali jiray gobolka Oromia oo ah midka ugu dadka badan Itoobiya.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay jartay khadka Internetka iyo adeegga Mobile-ka dhammaan magaalooyinka iyo degmooyinka Oromia si ay uxakamayso dibad baxyo ka dhan ah Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha wadanka.

Hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa warbixinno ay soo saareen ku sheegay in jaridda isgaarsiinta ay halis ku tahay xuriyadda dadweynaha ayna muuqaal xun ka bixinayso maamul kaligiis talisnimo oo dadkiisa caburinayo.


degmooyinka Klem Velija iyo Weliga oo dhammaantood dhaca galbeedka gobolka Oromia ayaa kamid ah meelaha isgaarsiinta Mobile-ka iyo Internetka laga jaray, meelaha qaar waxaa lagasoo sheegayaa dilal wareedyo iyo xarig ay geysanayaan ciidamada Booliska ee sida Melleteriga utababaran.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa siyaasad cunfi iyo caburin ku dhisan u adeegsanaysa qowmiyadda Oromada oo ah midda uu kasoo jeedo Abiy Axmed, siyaasiyiinta mucaaradka dibad joogga ah ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay qaadday wadada xukuumaddii hore ee caanka ku aheyd caburinta mucaaradka.

Jarista Internetka iyo adeegyada taleefannada ayaa maalin walba khasaara malaayiin dollar ah dhaxalsiinaya dowladda Itoobiya oo kamid ah dowladaha ugu faqiirsan qaaradda Afrika.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items