Sarkaal Boolis oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay degmada Hodon.

Saturday March 14, 2020 - 17:44:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sarkaal Boolis oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay degmada Hodon.

    Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka ka dhanka ah darawallada kaxeeya Moota Bajaajta sida aadka ah ay dadweynuhu u isticmaalaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka ka dhanka ah darawallada kaxeeya Moota Bajaajta sida aadka ah ay dadweynuhu u isticmaalaan.


Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon sarkaal katirsan ciidamada booliska maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dilay wiil dhalinyara ah oo kaxaynayay mooto bajaaj, goob joogayaal ayaa sheegay in sarkaalka dilka geystay iyo darawalka Mootada uu dhax maray murun ku saabsan isticmaalka wadada.

Sarkaalka booliska ayaa gaarigiisa kasoo degay kadibna wuxuu madaxa ka toogtay wiilkii dhalinyarada ahaa ee wadaha ka ahaa moota Bajaajta kadibna goobta ayuu si nabad gelya ah uga dhaqaaqay.


ku dhowaad 70 kamid ah darawallada Mootooyinka Bajaajta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho labadii sanadood ee lasoo dhaafay dhammaan falalkan waxaa geysanaya ciidamada dowladda Federaalka.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items