Sacuudiga oo hakiyay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa sababa laxiriira Carona Virus.

Saturday March 14, 2020 - 17:56:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo hakiyay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa sababa laxiriira Carona Virus.

    inta badan dowladaha caalamka ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan olole ay uga feejignaanayaan halista cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inta badan dowladaha caalamka ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan olole ay uga feejignaanayaan halista cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.


Dowladda Sacuudiga oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dowladaha Khaliijka ayaa ku dhawaaqday in muddo 2 asbuuc ah ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka soo geli jiray iyo kuwii kabixi jiray.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga waxay sheegtay in laxirayo garoomada diyaaradaha wadanka laga bilaabo maalinta Axadda si loo xakameeyo cudurka dilaaga ah ee Carona Virus kaasi oo halis ku haya wadamada qaaradda Asia iyo kuwa reer Yurub.


Sacuudigu wuxuu sheegay in uu cabsi weyn ka qabo in cudurkan bulshada ay ku dhax faafiyaan dadka dalka dibaddiisa ka imaanaya sidaas daraadeed ay u hakiyeen duulimaadyadii diyaaradaha caalamiga ahaa.

Dhinaca kale dowladda Muritaaniya ayaa sheegtay in ay muddo isbuucyo ah ay hakisay duulimaadyadii diyaaradaha islamarkaana ay xirtay xarumaha dowladda si looga gaashaanto Viruska Carona.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items