Wararkii Ugu Dambeeyay: Trump oo Carona laga waayay iyo kumanaan qof oo uu Talyaaniga ku dilay.

Sunday March 15, 2020 - 10:41:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay: Trump oo Carona laga waayay iyo kumanaan qof oo uu Talyaaniga ku dilay.

    Cudurka Carona Virus ayaa wali fara ba'an ku haya inta badan wadamada caalamka isagoo geysanaya khasaara nafeed iyo mid maaliyadeed oo baaxad weyn leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Carona Virus ayaa wali fara ba'an ku haya inta badan wadamada caalamka isagoo geysanaya khasaara nafeed iyo mid maaliyadeed oo baaxad weyn leh.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in baaritaan caafimaad lagu sameeyay lagana waayay cudurka Carona Virus,Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa warbaahinta u sheegay in Trump lamarsiiyay dhammaan baaritaannada caafimaad islamarkaana uu ka caafimaad qabo caabuqa CODVID19.

Cudurkan halista ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilay boqolaal qof isagoo soo ritay kumanaan kun oo kunool daafaha caalamka, wararka ka imaanaya dalka Almaqrib ama Marocco ayaa sheegaya in wasiirka qalabaynta iyo Guryaynta wadankaas uu soo ritay Carona Virus.


Bayaan kasoo baxay xukuumadda Rabaad ayaa lagu sheegay in wasiir C/qaadir Acmaarah uu ladhibanyahay cudurka Carona waxaana lafasaxay dhammaan shaqaalaha wasaaradda, tani waxay ka dhigantahay wasiirkii ugu horreeyay oo carabeed ee uu asiibo cudurkan caalamka kusii faafaya.

Dowladda Marocco waxay xaqiijisay in ay diiwaan gelisay 18 qof oo qaba Viruska Carona waxaana lamamnuucay in dadku isugu tagaan maqaayadaha iyo goobaha waxbarashada.

Dhanka wadanka Talyaaniga oo ah dalka labaad ee uu faraha ba'an ku hayo Carona shalay waxay u aheyd maalin kale oo boqolaal qof ay dhinteen, wasaaradda caafimaadka Talyaaniga ayaa iclaamisay in shalay oo kaliya ay dhinteen 155 qof kuwaas oo ku dhintay 8 magaalo oo ay kujirto magaalada Millan oo ah caasimadda dhaqaalaha wadankaasi.

Tirada guud ee dadka Carona uu ku dilay Talyaaniga ayaa kor udhaaftay 1441 qof halka in kabadan 21,150 qof ay lajiifaan cudurka, dowladda Spaind ayaa iyana ku dhawaaqday in xaaska R/wasaaraha wadankaas uu soo ritay Carona Virus.

Dowladda Iiraan waxay xaqiijisay in shalay oo kaliya ayuu Carona dilay 97 qof halka boqolaal kale uu soo ritay, tirada guud ee dadka Iiraan ugu dhimatay Carona waa 611 qof

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items