Saldhigga ciidanka Uganda ee Baraawe oo weerar lakulmay iyo Askar lagu dilay Bariire.

Sunday March 15, 2020 - 11:17:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidanka Uganda ee Baraawe oo weerar lakulmay iyo Askar lagu dilay Bariire.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro culus ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin mid kamida magaalooyinka gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro culus ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin mid kamida magaalooyinka gobolka Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weeraro aad u xooggan lagu miray saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin duleedka degmada, jugta madaafiicda iyo hugunka rasaasta laysku weydaarsanayay dagaalka ayaa laga maqlayay deegaanno ka fog Baraawe.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa Tarkiibrta "Allaahu Akbar" oo ay ku dhawaaqayeen dagaalyahanada Al Shabaab xilligii uu dagaalku socday.


Dhinaca kale weerar dhabagal ah oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac soo gaaray askari kale, Wariyaal ku sugan Sh/Hoose waxay sheegeen in xoogaga Al Shabaab ee weerarka qaaday ay gubeen Mooto ay wateen askarta ladilay iyo hub ubadan qoryaha AK47.

Gobolka Sh/hoose waxaa dhaca weerarada ugu badan ee lagu beegsado ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee indhaha u ah cadowga jinsiyadaha kala duwan leh

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items