Ciidamada AMISOM oo 4 qof ku dilay degmada Janaale ee Sh/Hoose.

Monday March 16, 2020 - 08:07:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo 4 qof ku dilay degmada Janaale ee Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay shalay ku qaaday deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay shalay ku qaaday deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose.


Ugu yaraan 4 qof shacab ah ayaa dhintay 11 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ciidamada Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Mashallaay ay madaafiicda goobta ku duqeeyeen Janaale.

Dad ka badbaaday duqeynta AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in dhowr iyo toban madfac lala helay dugsi qur'aan iyo xaafado ay dad shacab ah deganyihiin, dadka ku dhinta waxaa kamid ah macallin dugsi qur'aan iyo ardaydii uu waxbarayay.


Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa xaaladooda laga dayrinayaa waxaa xusid mudan in xilligii ay ciidamada shisheeye duqeynayeen Janaale aysan wax dagaallo ah aysan ka jirin mandiqadda.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada Uganda ay duqeyn waxyeella geysata ka fuliyaan deegaanno hoos yimaad degmooyinka Qoryooleey iyo Janaale oo dhammaantood katirsan Sh/Hoose.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items