Boqolaal qof oo maalin qura cudurka Carona ugu dhintay dalka Talyaaniga.

Monday March 16, 2020 - 08:42:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal qof oo maalin qura cudurka Carona ugu dhintay dalka Talyaaniga.

    Wasaaradda caafimaadka dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in dadkii ugu badnaa ay hal mar u dhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in dadkii ugu badnaa ay hal mar u dhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.


Wararka ka imaanaya Talyaaniga ayaa xaqiijinaya in shalay oo kaliya uu Carona dilay 368 qof taas oo ka dhigan dhimashadii ugu badneed ee maalin qura uu geysto cudurkan oo bishii December 2019 ka dilaacay wadanka Shiinaha.

R/wasaaraha Talyaaniga ayaa warbaahinta u sheegay in dalkiisa ay shalay u aheyd maalin murugo leh wuxuuna muwaadiniinta Italian-ka ah ugu baaqay in ay qaataan awaamirta dowladda ee ah in aan guryaha laga bixi karin.


Guddiga caafimaadka Talyaaniga uqaabilsan xakamaynta cudurka Carona ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in dhimashada guud ee cudurkan uu sababay ay gaartay 1809 qof halka ay lajiifaan 20600 oo bukaan (Labaatan kun iyo lix boqol).

Dalka Talyaaniga wuxuu noqonayaa dalka 2aad ee ugu daran oo Carona uu dad ku laayo kaalinta koowaad waxaa kujira dalka Shiinaha oo uu ku dilay dad ka badan sedax kun oo qof.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items