Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' oo ka dhacay Boosaaso iyo duleedkeeda.

Monday March 16, 2020 - 08:51:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' oo ka dhacay Boosaaso iyo duleedkeeda.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ka dhaceen weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ka dhaceen weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka isku magacaabay 'Puntland'.


Weerar madaafiic ah oo xalay fiidkii lagu qaaday saldhig ay ciidamada Daraawiishta ku leeyihiin agagaarka dekadda Boosaaso ayaa sababay khasaara soo gaaray ciidamadii la weeraray, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr madfac ah ku hoobteen saldhig kaabiga ku haya marsada caalamiga ee xarunta gobolka Bari.

Dhinaca kale qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ayaa sababay dhimashada sarkaal sare oo katirsan ciidamada sirdoonka Puntland, wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Asad.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items