Cumar Cabdi Rashiid iyo Cabdi Wali Gaas oo dadaal ugu jiro in maamulka Garowe uu xiriirka ujaro dowladda Federaalka.

Monday March 16, 2020 - 08:05:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdi Rashiid iyo Cabdi Wali Gaas oo dadaal ugu jiro in maamulka Garowe uu xiriirka ujaro dowladda Federaalka.

    Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa wali ka socda shir ka dhan ah dowladda Federaalka oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka 'Puntland' iyo siyaasiyiin xilal ka haya dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa wali ka socda shir ka dhan ah dowladda Federaalka oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka 'Puntland' iyo siyaasiyiin xilal ka haya dowladda Farmaajo.


Shirkan oo shalay furmay ayuu maamulka Saciid Deni ku doonayaa in go'aan rasmi ah looga gaaro xiriirka kala dhaxeeya dowladda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.

Xubno isugu jiro xildhibaanno iyo wasiirro katirsan Federaalka ayaa madasha ku sugan kuwaas oo dhiibanaya aragtiyadooda ku aaddan sida loola xisaabtami karo madaxda Villa Somalia oo khilaaf ba'an uu kala dhaxeeyo maamulka 'Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in siyaasiyiin ay wadato dowladda Imaaraatka Carabta oo ay kamid yihiin Cabdi Wali Gaas iyo Cumar Cabdi Rashiid ay Saciid Deni cadaadis ku saarayaan sidii loo goyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda Farmaajo.


Guuxa siyaasadeed ee kajira magaalada Garowe ayaan la ogeyn halka uu ku biya shuban doono iyo sida wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda maamulka 'Puntalnd' ay u ogolaan karaan in xiriirka looga jaro Villa Somalia waxaana loo badinayaa in shirka lagasoo saaro qodobo DF-ka ku amraya in ay dhaqaale siiyo maamulka Garowe.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items