Itoobiya iyo Kenya oo amray in laxiro goobaha Waxbarashada sababa laxiriira Carona.

Monday March 16, 2020 - 12:29:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Itoobiya iyo Kenya oo amray in laxiro goobaha Waxbarashada sababa laxiriira Carona.

    Qaar kamid ah dowladaha dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin looga feejignaanayo faafidda cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah dowladaha dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin looga feejignaanayo faafidda cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.


Madaxweynaha dalka Kenya ayaa amar kusoo rogay in laxiro dhammaan goobaha waxbarashada wadanka sida  Jaamacadaha iyo Iskuullada illaa iyo amar dambe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in lamamnuucay isku imaatinnada bulshada si looga feejignaado cudurka dilaaga Carona oo si xowlli ah ugusii dhax faafaya dadyoowga dunida.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in lafasaxay iskuullada waxbarashada iyo jaamacadaha, wareegto kasoo baxday xafiiska Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu hakiyay waxbarashada jaamacadaha iyo Iskuullada.


Itoobiya iyo Kenya waxay laga diiwaan geliyay tobanaan kiis oo ah cudurka Carona Virus balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin dad geeska Afrika ugu dhintay cudurkan dilaaga ah

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items