Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Uganda oo ka dhacay duleedka Marka.

Monday March 16, 2020 - 12:33:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Uganda oo ka dhacay duleedka Marka.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weeraro lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weeraro lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa deegaannada Lambar60 iyo Buufoow ayaa sheegaya in halkaas laba qarax lagula beegsaday ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda xilli ay dhaq dhaqaaq melleteri sameynayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah qaraxayada looga gubay laba gaari nuuca gaashaaman ee Taawga loo yaqaan waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askar katirsan Ururka Midowga Afrika.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo is xigxigay kadibna waxaa rasaas xooggan furay ciidamada AMISOM, wararka ayaa intaas ku daraya in saacadihii lasoo dhaafay ay iska hor'imaadyo xooggan ka dhacayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa Marko iyo Afgooye.


Dhinaca kale dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa maamulka deegaanka Ceelasha ugu magacaaban dowladda Federaalka,sarkaalka ladilay ayaa lagu magacaabi jiray Max'med Dafe waxaana laga furtay hubkii uu watay sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.

Fadlan Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items